MAQAAL:- DHIIGA BIRIMAGEYDADA SOOMAALIYEED MA CIDLUU DHACAYAA

0

Ma garanayo halka aan ka bilaabi lahaa qoraalkeyga iyo eraydaan adeegsan lahaa si aan u tilmaamo xanuunka gumaadkii loo geystay birimageydadii Soomaaliyeedeed ee lagu laayey xeebtii Liido.

Ma ahan dhacdhadii ugu horeysay ee na soo marta, ee waxaa ina soo maray dhacdooyin kale oo iyana aad u xanuun badnaa, dhamaantoodna waxaa lala beegsaday shacab Soomaaliyeed oo aan cidna danbi ka gelin. Waxey aheyd December 3-deedii ee sannadkii 2009-ka markii Hotel Shaamow lagu laayey ardeydii qalin jabineysay. Waxey aheyd October 6-deedii ee sannakii 2011-ka markii qaraxyo is miidaamin lala beegsaday ardey Soomaaliyeed oo deeq wax barasho ay ka heleen Turkiga u socdaalayey.

Labadaa dhacdaba maaheyn kuwo sahlan, waxeyna kawada ilmeysiisay dhamaan Shacabkii Soomaaliyeed meel walba oo ay joogeen, qeylo dhaanta ciilka iyo muragada waxa ay ka muuqatay guri walba, qoys walba, iyo qofkasta oo Soomaaliyeed. Gumaadkaa lagu laayey boqolaal shacab Soomaaliyeed ah, waxaa si bareera u sheegtay iney geysteen argagixisada alshabaab ee Soomaaliya saldhigoodu yahay.

Ayaanba ayaan ka darane hadana waxaa timi gumaadkii argagaxa badnaa ee Liido taa soo naga wada ilmeysiisay. Waxaa si arxan darra ah loo laayey shacab Soomaaliyeed oo ay ku jiraan dumar iyo caruur, waxaa la is dulsaaray hooyo cunugeedii, waxaa isku meel lagu wada dilay 3 walaalo ah. Waxa intaa soo halaaga inoo geystay waa argagixiso inagu hoos nool oo nagu dhex nool iyo qaar kaloo la shaqeeya.

Intaa soo dhiig ah ma cidley dhacayaan, mawaan cidna loo ciqaabeyn cadaalada la horkeeneyn. Aqristow wey jiraane ee waxa ina hodaya waa madax aan dareemeyn xilka ay hayaan culeyska uu leeyahay.

Waxaa ilaa iyo hadda saxaafada nalooga sheegay in loo qabtay nin lagu sheegay inuu ahaa maskaxdii ka danbeysay, waa nin aad muhim ugu ah baaritaanka, si loo helo cid kastoo ku lug laheyd. Waxaa kaloo muhiim ah in la kaashado baarayaal caalami ah khubaro ku ah sida loo baaro fal dambiyeedyada sida wadarta ah loo galo. Dowladda Soomaaliya waxey gacan ka codsan kartaa beesha caalamka.

Codsiga baarayaal caalami ah waxey muhiim u tahay ka ka jawaabida dhiiga dadkeenii cidii soo abaabushay, codsiga baarayaal caalami ah maaha codsi aan anagu ka Soomaali ahaan ugu horeyn doono. Ee waxaan kala siman nahay dowladaha ku yaal dunida 3-aad ee aan isku filneyn, wuxuuse fikirkaa codsiga iman karaa marka madaxdeena muujiyaan sida ay ugu weyn tahay dhiiga shacabkoosda.

Dowladda Malasia waxa ay ku bixisay qarash gaaraaya millions of dollars iney how geliso baarayaal Mareykan ah oo u shaqeeya shirkado si gaara loo leeyahay, kadib markii la waayey diyaaradii rakaabka siday ee MH370 ee ay iyagu lahaayeen, intaa kaliya kuma aanay harine waxaa ay gacan weydiisatay dowladda Malasia wadamada Yurub, Mareykan, Australia, China iyo Japan, iyagoo muujinaya qiimaha dadkooda iyo dadyowga kaleba u leeyahay.

Sidoo kale markii la dilay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Pakistan Banazir Bahuto, dowladda Pakistan waxa ay gacan ka codsatay dowladaha reer galbeedka oo iyagu aqoon gooniya u leh baaritaanada fal danbiyeedyada qatarta ah sida kuwa dadkeena lagu leynayo oo kale.

Dhacdooyinkan na heystaa maaha kuwo sahlan, waa kuwo loo baahan yahay in “serious” laga noqdo, mana aha kuwo ay ku lug leeyihiin oo kaliya kooxda argagixisada ah kaligood. Waa ineynu helnaa kuwa argagixisada la shaqeeya, kuwa dhaqaaha u raadiya, kuwa siiya, kuwa guryahooda ku qariya ama ka kireeya, howshu ma sahlana.

DHACDADII LIIDO KAMA SABRI KAREYNO, DHIIGA SHACABKA SOOMAALIYEEDNA CIDLO KUMA DHICI KARO. UGU YARAAN WAA INAAN KA HORTAGNAA SI AANEY U DHICIN IYADOO KALE.

Waa iga su’aale aqristow ma madaxdeena ayaan aqoon shaqadooda mise waxaan kuba weyneyn dhiiga shacabka Soomaaliyeed?

SAID A HIRSI
Des Moines, IA
Email: saidhirsi39@gmail.com