Wasiirka wasaaradda deegaanka maamulka Puntland Dr. Cali Cabdillaahi Warsame ayaa laga soo xigtay hanjabaad ku saabsan in Puntland ay ka goosan doonto Koonfurta Soomaaliya haddii lagu socdo in 4.5 la dhaqan geliyo laguna soo xulo baarlamaanka soo socda.
Wuxuu ku dooday wasiirkani inay Puntland leedahay dal balaaran oo ay ka jirto dowladnimo buuxda iyo shacab daacad u ah danahooda taasoo ay tix-gelinayaan rabitaankooda, kana tashan doonaan aayahooda. Wasiirka warkan siiyay warbaahinta Puntland isagoo ku sugan Muqdisho intii aanu wafdiga Puntland ka dhoofin Muqdisho wuxu ka mid ahaa xubnaha cadaadiska ku hayay madaxweyne Gaas oo saxaafadda mar waliba kala shaacin jiray inuu shirku burburay oo lagu kala tegay.
Wuxuu wasiirkani aflagaado u geystay maamulada kale ee dalka isagoo sheegay inayan Puntland la mid ahayn maamulada gacan ku rimiska ah salna u tahay nidaamka federaalka ah ee ay maanta Soomaaliya ku dhisan tahay.