DHAGEYSO WAREYSI:- Maamulka G/Banaadir oo ka warbixiyay Banaanbax Maanta ka dhacay Muqdisho

0

Banaanbax balaaran oo loogu soo horjeeday Weerarada Al-Shabaab ay ka geystaan Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho ayaa manta lagu qabtay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Ujeedka Banaanbaxa ayaa ahaa sidii Shacabka Soomaaliyeed ay u muujin lahaayeen sida ay ugu xun yihiin Weerarada Al-Shabaab ay ka geystaan Muqdisho.

Afhayeenka maamulka Gobolka banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa ka warbixiyay Ujeedka ay ka lahaayeen Banaanbaxaan.

Waxa uu sidoo kale faah faahin ka bixiyay kaalinta ay Banaanbaxaan ku lahaayeen maamulka Gobolka banaadir.

Hoos ka Dhageyso wareysiga Afhayeenka oo dhameystiran:-