Wararka laga helayo magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in saaka magaladaasi laga abaabulay mudaharaad looga soo hor jeedo nidaamka 4.5 oo shalay Madasha Qaran ku heshiisay in lagu saleeyo aqalka hoose ee Baarlamaanka.
Dadka isu soo baxay ayaa sidoo kale taageerayaa go’aanka Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) waxaa dadka isugu soo baxeen fagaaraha weyn ee magalada Garoowe.
Dadka ayaa ku dhawaaqaya inaysan qaadaneynin 4.5 iyo ereyo lid ku ah dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka, mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa lagu wadaa inay dadka la hadlaan,
Culeyska saaran madaxweyne Gaas ayaa salkiisu yahay Garowe oo looga kacsan yahay, waxaana madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole uu hore u sheegay in C/weli Gaas aanu Puntland u igman una soo qaadi karin 4.5.
Halkaan ka dhageyso