Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa arbacadii shalay sheegay iney go’aan ku gaareen sii joogitaanka Soomaaliya qeybna ka sii ahaadaan howlgalka Midowga Africa uu hogaaminayo ee ka socda Soomaaliya,ka dib markii Al-shabaab ay sheegteen iney dileen in ka badan 100-askari oo Kenyan weerarkii ay ku qaadeen Ceel-cadde.
Kooxda Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaa’ida ayaa weeraray Fariisin Ciidanka Kenya ay ku lahaayeen deegaan ku dhow xuduuda Kenya Jan. 15,iyagoo ku dilay askar lana wareegay qalab Militari .Kenya wali ma aysan cadeyn tirada askarta weerarkaasi kaga geeriyootay.
“Lama joogo waqtigii dhaafitaanka ama ay dhageysan lahaayeen cododka guuldaradii ka quusin lahaa naxariista,ayuu Tv-ga ka sheegay madaxweynaha Kenya xilli uu ka qeyb galay aaska askartii looga laayay deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo oo ay kala qeyb galeen madaxweynayaasha Nigeria iyo Soomaaliya.
Wuxuu sheegay Uhuru Kenyatta in Soomaaliya ay ka sii howlgali doonaan inta ay ka fulinayaan waajibkooda ku aadan iney dib u soo celiyaan nabada iyo xasiloonida.
Xisbiga Mucaaradka Kenya ayaa ku baaqay in Soomaaliya laga soo saaro Ciidanka,balse Kenyatta ayaa go’aansaday iney dib u soo celiyaan xasiloonida dalka deriska ay yihiin.
Halkaan ka dhageyso