Waxaan akhristeyaasheena sharafta leh usoo bandhigeynaa muuqaalka banaanbixi maanta ka dhacaya degmada Balanballe ee looga soo horjeeday ciidamada Kenya ee xasuuqa iyo duqeynta arxan darada iyo aargoosiga ah ee ay dadka shacabka ah sida joogtada ah uga geysanayaan degmada Ceel cade iyo guud ahaan gobolka Gedo.
Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan maadaama aysan heysan Madax iyo dowlad difaacda shacabka iyo dalka Soomaaliya waa in shacabka Soomaaliyeed iyagu isku tashtaan, waana inaysan ogolaan xasuuqayada aargoosiga ah ee ay caadeeysteen ciidamada shisheeye (AMISOM) gaar ahaan kuwa Kenya ee sida joogtada ah maalin walba dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee ku nool gobolka Gedo iyo guud ahaan gobolada Jubbooyinka xasuuqaya.