XOG: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe Oo Taageeray Waxii Kasoo Baxay Shirka Muqdisho Iyo Madaxweynaha Puntland Gaas Oo Diiday.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe kasoo xargo goostay Madaxweynaha Puntland oo ay saxiibo siyaasada dhawaanahaan ahayeen ee Abdiwali Maxamed Cali Gaas.

Xogtaan ayaa sheegeyso in Madaxweyne Axmed madoobe galabta usoo weecday dhanka kooxda madaxweynaha soomaaliya kuwaasi oo ku doodaayo in dowlada haatan jirta lagu badalo dowlad kale oo ah 4.5.

Axmed madoobe ayaa la sheegaya in shirar hoose oo la qaatay wasiirka Arimaha gudaha Odowaa kasoo lashegaayo in isku afgarteen in Dowlada haatan jirta lagu badalo mid lagu soo dhisaayo 4.5.

Tani ayaa caqabad xoogan ku noqon doonta Madaxweyne Gaas oo haatan ku adkeysanaayo hab degaan ah oo aan marnaba qaadi karin nidaamka ah 4.5 in lagu soo xulo dowlada Cusub.

Isku soo wada duub tani ayaa imaaneyso xili shirka wadatashiga Muqdisho la isku fahmi layahay kasoo garwadeen kayihiin beesha caalamka iyo Urur Goboleedka Africa oo qeyb weyn ka ciyaareyso Dowlada Itoobiya.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media