WAR DEG DEG:- Ciidamada Kenya oo dilay gudoomiyihii deegaanka Ceel-cadde

0

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya ayaa sheegaya in ciidamada Kenya aydeegaanka Likooleey ee Gobolkaasi ku dileen Guddoomiyihii Deegaanka Ceelcadde.

Guddoomiyihii Deegaanka Ceelcadde ayaa u xirnaa ciidamada Kenya tan iyo markii uu dhacay weerarkii –kii Bishan ka dhacay Saldhiga ciidanka Kenya ee Deegaankaasi.

Korneyl Aadan Rufle oo ka tirsan Saraakiisha ciidamada Millateriga Dowladda ee Gobolka Gedo, ayaa  xaqiijiyay in Askarta Kenya shalay galab ay dileen Guddoomiyihii Ceelcadde.

Ciidanka Kenya ayaa sababta Guddoomiyihii Deegaanka Ceelcadde ay u dileen waxa ay tahay in qaar ka tirsan ilaaladiisa ay ku lug lahaayeen weerarkii Abaabulnaa ee ka dhacay deegaankaasi.

Madaxweynaha Kenya ayaa horay ugu eedeeyay Beesha Mareexaan ee Gobolka Gedo Degta inay fududeysay weerarkii ka dhacay Ceelcadde.

Guddoomiyihii Deegaanka Ceelcadde ee la dilay, ayaa lagu magacaabi jiray C/rashiid Cali Cabdi Qoorleex.