DHAGEYSO WAREYSI:- ”Korneyl Aadan Rufle oo cadeeyay in Kenya maalmo badan afduub u heysteen gudoomiyihii Ceel-cade ayna dileen isaga iyo walaalkiis”

0

Korneyl Aadan Rufle oo ka tirsan Saraakiisha ciidamada Millateriga Dowladda ee Gobolka Gedo, ayaa wareysi lala yeeshay ku xaqiijiyay in Askarta Kenya shalay galab ay dileen Guddoomiyihii Ceelcadde.

Ciidanka Kenya ayaa sababta Guddoomiyihii Deegaanka Ceelcadde ay u dileen waxa ay tahay in qaar ka tirsan ilaaladiisa ay ku lug lahaayeen weerarkii Abaabulnaa ee ka dhacay deegaankaasi.

Madaxweynaha Kenya ayaa horay ugu eedeeyay Beesha Mareexaan ee Gobolka Gedo Degta inay fududeysay weerarkii ka dhacay Ceelcadde.

Guddoomiyihii Deegaanka Ceelcadde ee la dilay, ayaa lagu magacaabi jiray C/rashiid Cali Cabdi Qoorleex.

Halkaan Hoose ka dhageyso wareysiga Korneyl Aadan Rufle