DHAGEYSO WAREYSI:- Axmed Macalin Fiqi oo si cad u sheegay hadii aan loo hogaansamin Dacwada ay gudbiyeen iney qaadayaan talaabooyin adag

0

Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Daljir oo Wareysi siiyay Warbaahinta Soomaalida ayaa faah faahin ka bixiyay dacwada ay ka gudbiyeen Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa.

Waxa uu sheegay in ay ku kaliftay waxyaabo badan oo culeys ku ah Siyaasada Soomaaliya isla markaana ay go’aansadeen iney gudbiyeen dacwada 22 Xisbi ee ka jira Dalka.

Waxa uu tilmaamay in hadii aan loo hogaansamin dacwada ay gudbiyeen isla markaana aan la ilaalin Dastuurka iyo Sharciga Dalka ay qaadayaan talaabooyin adag.

Sidoo kale Axmed Macalin Fiqi waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in loo hogaansamo soo jeedintooda lana ilaaliyo Sharciga.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-