DHAGEYSO:- Shil gaari oo dhimasho iyo dhaawacba sababay oo ka dhacay deegaan hoos taga Gobolka Gedo

0

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa Maanta ka dhacay deegaanka Caga-cadde oo hoos yimaad degmada Galhareeri ee Gobolka Geddo.

Shilkaan gaari ayaa yimid ka dib markii uu rogmaday gaari laanroofar ahaa kaasoo siday dad safar ahaa.

Gaariga waxaa la sheegay inuu dab qabsaday taasoo keentay dhimashada laba ruux iyo dhaawaca 3 kale.

Dadka dhintay waxaa la sheegay inay ku gubteen gudaha gaariga rogmaday oo dab uu ka dhex dhashay.

deegaanka Caga-cadde oo hoos yimaad degmada Galhareeri ee Gobolka Geddo ayaa waxaa qeyb ka Maamul ururka Al-Shabaab halka qeybta kalena ay Maamulaan Maamulka Gobolka Gedo.

Maamulka Gobolka Gedo ilaa hada kama hadlin Shilkaasi gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Xarumaha Caafimaadka Gobolka Gedo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-