Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeedaa magaalada nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweynaha ayaa Magaalada Nairobi ugu qeyb galaya Munaasabad loogu baroordiiqayo askartii Kenya ee lagu dilay deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.
Sidoo kale baroordiiqdan loo sameynayo ciidamada Kenya ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta sida ay daabacday Dailynation.
Lama oga tirada saxda ah ee loogaga dilay ciidamada Kenya weerarka lagu qaaday saldhiga ay ku lahaayeen gobolka Gedo hase yeeshee waxaa la geeyay dalka Kenya meydadka qaar kamid ah ciidamadan.
Sidoo kale bixitaanka Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh maxamud ayaa ku soo aadeyso xilli ay Muqdisho uu ka socdo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo aan ilaa hada wax natiijo ah ka soo bixin.
Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Shabakada Wararka Allgalgaduud.com..