Hambalyo+Daawo: Xildhibaan Abwaan Cabdi Shire Jaamac Cayaar Jecel.

0

Waxaan u hambalyo u direynaa walaalkeen ahna saaxiibkeen kabiirka kooxda qaylo dhaan, macalinka ciyaalka xaafada Xildhibaanka cusub Abwaan Cabdi Shire Jaamac Cayaar Jecel, waxaan aaminsan nahay in uu waxbadan ka badali karo fikirka foosha xun ee laga aaminsan yahay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, waxaana sidoo kale aaminsan nahay in uu waxbdan ka badali doono habdhaqanka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, sidoo kalena in uu wax badan kusoo kordhin doono dadka iyo deegaanada uu xildhibaanka u noqday haddii ay noqon lahayd dhan siyaasadeed iyo dhan horumarba.

Waxaan walaalkeen ahna saaxiibkeen xasuusinaynaa in Xildhibaanada haatan jooga ay qabaan sadex cudur oo dilaa ah oo laysku daarto lana haray dadkeena iyo dalkeena, doolar jaceyl, dulmi iyo dulinimo jaceyl, waxaana rajenaynaa inaysan ku daaran oo mar walbaa uu ka foojignaado.

Waxaan Allaah Subxaanahu Watacalaa kaaga baryayaa in uu xilkan aad qaaday kuu fududeeyo aadana ku tagri falin oo aad dadka dhamaan dadka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanada aad xildhibaanka u tahayba si cadaalad ah ugu wada adeegto, aadna noqon sida Xildhibaanada hadda ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.

Hoos Ka Daawo

Wabilaahi Towfiiq

Maamulka Iyo Shaqaalaha Allgalgaduud Media