DHAGEYSO:- Gudmooyihii hore ee Gobolka Banadir Tarsan”Kenya xasuuqa ayay wadaan kalama soocayaan Oday,caruur,haween iyo xoolo”+Dowlada iyo maamul goboleedyada uu si caro leh ula hadlay

0

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa sheegay in dowlada Kenya ay si ulakac ah uleyneyso shacabka Gedo.

Isagoo saxaafada kula hadlayay magaalada Muqdisho ayuu Tarsan sheegay in Kenya ay xaq uleedahay la dagaalanka AlShabaab hase ahaatee ay Gedo ka wado xasuuq shacab.

Sidoo kale duqii hore ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu ka xun yahay sababta ay madaxda DF Soomaaliya uga hadli la yihiin xasuuqa ka socda Gedo.

Hadalka Tarsan ayaa kusoo aadaya xili Kenya ay duqeyn diyaaradeed ku dishay dad badan oo shacab ah oo aan waxba galabsan.