Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobolka Sh/Dhexe Khaliif Cabdi Cabdulle oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Jowhar ayaa ka warbixiyay howlgalo ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Jowhar iyo rag lagu soo qabtay howgaladaasi.
Taliyaha ayaa sheegay in howlgaladaasi ay ku soo qabteen rag loogu shakiyay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo waxyaabaha qarxa oo ay ku qarinaayeen Xaafadaha magaalada Jowhar.
Waxa uu tilmamay in ragaasi la barayo ka dibna sharciga la horkeynayo isla markaana ay muteysan doonaan wixii sharciga waafaqsan.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Booliiska Gobolka Sh/Dhexe ay sii wadayaan howlgalada ay ka sameynayaan Xaafadaha Magaalada Jowhar.
Magaalada Jowhar waxaa hada ka socda Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxaana ku sugan Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Hoos ka Dhageyso Codka:-