DAAWO MUUQAALKA:- Alle ha u naxariistee Cabdi Xaaji Goobdoon oo muqdisho lagu Aasay iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada oo ka qeyb galay Aaskiisa

0

Alle ha u Naxariisee waxaa maanta Qabuuraha Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho lagu Aasay Marxuun Cabdi Xaaji Goobdoon oo Saaka Aroortii ku Geeriyooday Isbitaalka Daarul Shifa Ee Magaalada Muqdisho.

Aaska Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee Dowladda,Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya iyo Ehelka Marxuun Cabdi Xaaji Goobdoon.

Dhamaan Dadka ka qeyb galay Aaska Marxuun Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa ka Tacsiyeeyay Geerida ku timid,waxaana ay sheegeen inuu ahaa Halyeey Wadani ah oo Dalka Soomaaliyeed wax la Taaban karo u soo qabtay.

Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhamaantood ka tacsiyeeyay geerida Alle ha naxariistee Cabdi Xaaji Goob doon oo ay ku tilmaameen halyeey Saxaafadeed.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-

https://www.youtube.com/watch?v=c4o8LOpHMvo