Wararka aan ka helayno Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Shirkii Madasha Wadatashiga qaran lagu wado in uu Magaalada Muqdisho ka furmo Saacadaha danbe ee Maanta,Waxaan Muqdisho wali soo gaadhay Xubno kamid ah Madaxdii Dowladda Goboleedada dalka Soomaaliya.
Shirka ayaa Waxaa lagu wadaa in uu furo Ra’iisulwasaraha Soomaaliya,maadaam uu dalka ka maqan yahay Madaxwaynihii Soomaaliya Xasan Sh Maxamud iyo sidoo Kale Gudoomiyihii Baarlamaanka dalka,sida ay Warar hoose sheegayan Maalinta bari ah ayuu shirku si rasmi ah u furmayaa.
Shirka ayaa lagu wadaa in uu ka duwanaado Shirkii Magaalada Kismaayo,waxaan xiiso badan leh in kulamo aan kala Joogsi lahayn ay Xarunta Villa Soomaaliya ka socdaan kuwaas oo Madaxda Beesha Caalamku ay si adag oola hadalayaan Madaxwayneyaasha Maamul goboleedad dalka Soomaaliya
Tan iyo habeenimadii Xalay ayey Labada Madaxwayne ee Jubbaland iyo Puntland Shirar kula jireen Madaxda Beesha Caalamka ee Magaalada Muqdisho ku sugan wuxuuna yahay qorshahoodu in ay dhameeyeen khilaafka Culus ee ka dhex jira Madaxda Soomaalida.