Wargeyska The Standard ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa lagu qoray in M/weynaha dalkaasi Uhurru Kenyatta uu ku eedeeyay mid ka mid ah beelaha dega gobolka Gedo inay Al-Shabab u fududeeyeen weerarkii ay Ceel-Cadde dhawaantaan.
M/weyne Kenyatta oo la kulmay guddi amaan oo baaris ku sameeyeen sida uu u dhacay weerarkii Ceel-Cadde ayaa waxaa uu ku eedeeyay beesha Mareexaan oo ka mid ah beelaha dega gobolka Gedo inay Al-Shabab u fududeeyeen weerarkii lagu laayay askar tiro badan oo Kenyan ahaa markii la weeraray bilowgii bishaan.
Wargeyska The Standard waxaa uu qoray in M/weynaha laga soo xigtay in xataa Sadex askari oo Kenyan ahaa oo ka bad baaday weerarkii Ceel Cadde loo gacan galiyay dagaalamayaal Al-Shabab ka tirsan sida uu yiri.
“Beesha Mareexaan waxay aaminsan yihiin in ciidamada Kenya ay wada shaqeyn gaar ah la leeyihiin beesha kale ee Ogaden oo colaadi ka dhaxayso sidaas darteed ayay ugu fududeeyeen Al-Shabab inay ciidankeena weeraraan” sidaas waxaa u sheegay wargayska aanu warkaan ka xiganay ee The Standard sargaal ciidanka Kenya ka tirsan.
Warbixinta loo gudubiyay M/weynaha Kenya ayaa lagu sheegay in kooxdii weerartay xerada Ceel Cadde laga hagayay degaanka oo ay garab siinayeen dad u dhashay beesha Mareexaan sida warkaan lagu yiri.