DHAGEYSO: Xildhibaan Cabdi Bare Yuusuf “Waan Ka Xunahay In Shacab Soomaaliyeed Iyo Xoolahoodi Duqeyn Ba’an Loo Geysto, Madaxda Dowladda Soomaliyana Kama Hadlin”.

0

Waxaa isa soo taraya diidmada qayaxan ee shacabka iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada ay uga soo horjeedaan duqeymaha iyo aargoosiga bareerka ah ee ba’an ee ciidamada Kenya ka wadaan deegaanada Gobolka Gedo.

Xildhibaan Cabdi Bare Yuusuf Jabriil ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay in ay aad uga xun yihiin islamaraana aad ay ugasii xun yihiin in Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya aysan ilaa hadda ka hadal xasuuqa duqeynta ah ee lagu hayo shacabka deegaanada gobolka Gedo.

Kenya waxaan leeyahay cida weerartay ciidamadiina iyo halka ay kasoo duuleenba waa taqaanaan ee haka gabanina ee weerara,intaad weerari lahaydeen shacab iyo xoolahooda.

Cabdi Yusuf Bare ayaa waxa uu ka digay in arintaan ay sababi karto kacdoon shacab oo shacabka lagu qasbayo in ay toos u taageeraan Al Shabaab si ay u difaacdaan dadkooda, deegaankooda iyo xoolahooda.

 

Hoos Ka Dhageyso