YAAB:- Burcad Badeeda Soomaaliyeed oo isu bedeshay inay ilaaliyaan maraakiibta kalluumeysiga

0

Burcad badeeda Soomaaliyeed oo mar ka heli jirtey malaayiin dollar maraakiibta ay ka afduubtaan xeebaha Soomaaliya ayaa hadda isu bedelay inay ilaalo ka noqdaan maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumeysata xeebaha Soomaaliya.

Khubarada kalluumeysiga ayaa ka digey in ay maraakiib waaweyn ay shabaqyo si sharci darro ah ku dhiganayaan isla markaana ay xaalufinayaan qeyraadka kalluunka ee xeebaha Soomaaliya.

Hase yeeshee burcad badeeda ayaa habkan cusub ee ah innay ilaaliyaan maraakiibta sida sharci darada ah uga kaluumeysanaysa xeebaha Soomaaliya waxa ay ku helayaan lacago faro badan maadaama hore uu ugaga xirmey suuqii ay haysteen ee ahaa afduubka maraakiibta marta xeebaha Soomaaliya.

Intii u dhexeysay sanadihii 2005 illaa iyo 2011 burcad badeeda waxaa la qiyaasay in ay ka soo gashay lacag gaareysa $300 malyan oo dollar madaxfurashada ay bixiyeen maraakiibta la afduubtay.

Heshiisyo ayaa lala galaa shirkadaha kalluumeysiga kuwaasoo qoraalo ka qaata dulaaliin ku sugan Bariga Dhexe kuwaasoo ka faa’ideysta dowlada awooda yar ee ka jirta dalka Soomaaliya sidaa waxaa qoray jariirada The Telegraph cadadkiisii maanta soo baxay.

Maadaama ruqsada la siiyo shirkadaha ajaaniibta ah uusan ku fadhin wax sharci ah waxay badanaa bixiyaan lacago boqolaal kun oo dollar  si ay u helaan marin ammaan ah oo ay ugu soo qabsan karaan badda Soomaaliyeed kalluunka tuna iyo kuwo kale oo qiime badan.

Khubaro kalluumeysiga ku taqasustay ayaa sheegay in shirkadaha badanaa qaata ruqsadaha macmalka ah ay u badan yihiin kuwo laga leeyahay dalka Iran kuwaasoo iska indho tira cabashooyinka, sidoo kale waxa ka mid ah shirkado laga leeyahay dalalka Thailand iyo Koofur Afrika.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku qiyaasta in maraakiib kalluumeysi oo gaareysa 180 oo laga leeyahay dalka Iran sanad walba ay soo booqdaan biyaha badda Soomaaliya,kuwaasoo ka jilaabta kalluun ka badan kan ay kalluumeysatada Soomaaliyeed ka jilaabtaan xeebaha Soomaaliya.