Masuuliyiin uu hogaaminayo Gudoomiye ku Xigeenka dhanka Siyaasada ee Maamulka Gobolka banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa Maanta koormeer shaqo ku tagay Degmooyin ka tirsan Gobolka banaadir.
Degmooyinka Maanta la koormeeray waxaa ka mid ah Degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Boondheere, Warta Nabada iyo Shangaani ee Gobolka banaadir.
Ujeedka Koomeerka ayaa ahaa sidii Maamulada Degmooyinka loogu baraarujin lahaa qaaadista Canshuuraha iyo dardar gelintooda.
Sidoo kale ujeedka Koormeerka ayaa ahaa sidii loo ogaan lahaa shaqada ay hayaan Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo sida ay ula shaqeeyaan shacabka.
Afhayeenka maamulka Gobolka banaadir oo Koomeerka ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay koomeerka iyo sida Warbixinada loogu dhageystay Maamulada degmooyinka la koormeeray.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in si adag loogula hadlay Maamulada Degmooyinka la koormeeray iney dardar geliyan Canshuuraha.
Hoos ka Dhageyso Codka:-