Gudoomiyaha deegaanka Xawaadleey ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegay in Ku dhawaad 4 caruur ah ay u geeriyoodeen Cudurka shuban biyoodka ah.
Waxa uu tilmaamay in aysan jirin cid usoo gurmatay Caruurtaasi isla markaana ay u geeriyoodeen daawo iyo daryeel la’aan.
Gudoomiyaha deegaanka Xawaadleey ayaa sheegay in ay Hay’adaha gargaarka bixiya ay ka dalbanaya iney usoo gurmadaan shacabka deegaanka Xawaadleey.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in shacabka loo gurmado isla markaana la caawiyo maadaama ay yihiin kuwa danyar ah.
Hoos ka Dhageyso Codka:-