Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlada Federaalka Soomaaliya Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka qeyb galaayay Munaasabad lagu xusaayay maalinta Afka Soomaaliga oo ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Bahda Wasaaradda Warfaafinta ay Af-Soomaaliga ku baranayaan muddo 3 Bilood gudahood ah.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed Mas’uuliyiinteeda uu kala hadlay sidii Jaamacadda loogu soo kordhin lahaa Kulliyadda Af Soomaaliga,islamarkaana ay ka aqbaleen.
Waxaa uu intaa raaciyay Maareeye in Todobada Eray ee Laba jibaarma laguna soo koobo Jumladda “Manalagaraadbaa” Wariyihii aan aqoon uusan ka shaqeyn karin Wasaaradda Warfaafinta iyo Warbaahinta Dowladda.
Xeerka Saxaafadda ee dhawaan la ansixiyay ayuu sheegay in uu Wariyeyaasha farayo in uu heysto Shahaado Jaamacadeed,qof aan Af-Soomaaliga qori aqoonin ayuu sheegay in uusan noqon karin Wariye.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan Wariyayaal Warbaahinta ku jiray in ka badan 10 Sano haddana aan qori karin Af-Soomaaliga.
Hoos ka Dhageyso Codka:-