DHAGEYSO:-Wasaaradda maaliyadda Somalia oo sheegtay in la bilaabay bixinta mushharaadkii baaqday sanadkii la soo dhaafay

0

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya Max’ed Ibraahim Fargeeti,ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay bilowday bixinta mushaaraadkii baaqday sanadkii tagay ee 2015-ka.

Wasiir Fargeeti ayaa hadalkaan ka hor sheegay kulankii Golaha Wasiirada shalay ay ku yeesheen magaalada Muqdisho,kaasi oo qodobo kala duwan oo xaalada Soomaaliya ku saabsan ay kaga hadleen.

Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya C/salaam Axmed Caato oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Wasaarada Maaliyada ay bilowdy sanadkaan cusub bixinta mushaaraadka shaqaalaha Dowladda ee ka baaqday sanadkii la soo dhaafay,wuxuuna tilmaamay in arintaan looga gol leeyahay in lagu socodsiiyo howlaha hay’adaha Dowladda.

Qaar ka mid ah shaqaalaha ayaa marar qaar ka cowda soo daahida lacagaha mushaaraadka oo ay sheegeen in muhiim u tahay noloshooda iyo mida qoyska,waxaana hadalka Wasaarada Maaliyada uu meesha ka saarayaa dhibaatooyinka xaga mushaaraadka ee heystay shaqaalaha Dowladda.