waxay ahayd markii iigu horay oo aan la hadlo waraysto qof kasoo bad baaday shayaadiinta dhagar qabayash alshabaab
Waxaan waydiiyay saaxiibkay Mo Ispariije see wax udheceen
#Wxuu yiri
Wlle waxay ii ahayd hebayn murugo waxay ahayd abaarihii 5:30 galabnimo ee saacada Muqdisho wxn tagnay Baar xeebta Liido ku yaala oo la dhoho #Baar #Liido wxn ahayn 5dhalinyara ah 3wiil 2gadhdood sheeko iyo qaxwayn kedib wxaa la galay saladii maqrib waan so tukanay wxn ku tukanay mawlac yara oo meesha ku yaal isla fadhigayagii baan kusoo laabanay, sida sawirka idiin kaga muuqata wxn fadhinay meeshaas bacaad ka ah ama ciida ah oo kuraastu taalo dadkuma fadhiyaan oo xeebta afkeeda ah.
Toban daqiiqo kedib wxaa xeebta xagee dhinaca badu naga xigto nooga soo biloowmay laba qori oo sida daran doori ah u dhacaya dadkagayii meesha fadhinay halmar baa jaanta la goostay la cararay dhismaha xagiisaa loo cararay ileen dhankii xeebta baa nala kasoo galay kaaga hadana dhankii makhaaxida baa wxaa ka dhacay qaraxwayn oo gaari bay ku qarxiyeen Talo fara waaka haaday meel loo ciirsado maleh dadkii qaar baa dhaawacmay ay kamid tahay Hablihii lana fadhiyay gabadh baa xabadi nooga dhacday dadka intii dhaawac culisi gaaray oo kici wayday maahee intii kale wxn isku buuranay jaran jar yara oo horta yada ahayd marka wxaa loo kala jabay laba qaybood aniga iyo qayb aan ku jiro oo 15qof ahayd wxn galnay meel ciriiri ah oo jiko ah intii kalena meel kale bay u weecdeen qolada yadii 15ka ahay nin shayadiintii ah baa albaabka naga soo istaagay wxuu daba noo qabtay rasaas gaaraysa laba khasnadood (60 xabo) qofkii nuux nuuxsayanoo uu arkaba waa toogtaa nasiib wnaag anigoo awalba bar yaraa wxn hoosta ka galay ama igu soo dul dhacay nin buuran oo mayd ah ana waan isa sii nabay.
Saaxibkay sharmaake isagu fursad buu helay suuli buu isku soo xiray labadii gabdhood oo midi dhaawac tahay waa nabad galeen oo iyana meel bay galeen anaga ninkii markii rasaasta uu nagu dhameeyay buu bunba nagu tuuray si aan usii goo go’no gees baa ALLA iga marshay lkn lugbaa markaas i dhiig baxaysa oo wax gaareen nin bunbo kale buu wxuu ku dhuftay meel noo dhawayd oo albaab ahayd iyada waan ka badbaaday oo maydkii baa dushayda rasaysan oo i difaacaya inkastoo neeftii igu dhagtay oo aan is leeyahay yuusan arkin inaad nooshahay oo neeftaan isku celinayaa hadee maydkii oo dhana dushayduu rasaysan yahay lkn culayska dareemi mayo oo hawsha kalaa ka culus Naftu macaana telfonkii waan dansaday oo waxan ka baqay inuu igusoo dhaco balaayo wxy ka dhacday nin meel xun wx kaga dheceen baa agtayada taahaya/qaylinaya saaan hadba waan qanjuruuftaa si uu u aamuso hadii kale kiibaa soo laabanaya dadka dhaawaca ah oo markaas agtayda yaala waxaa ku jira Wariye Macalimoow intaa kedib ninkii albaabkuu nagu xiray si qofkii nool uusan usoo bixin.
nin dhawaac ah oo 2badayada keliya meesha ka neefsanayano baa i yiri ma kici kadhaa meesha eeg anigu wxn iri maya ma kici karo markii aan ilaa sadex saac ku jirnay baan wxn maqalnay hadal Dumar gabdho leh war shacab baan nahay ha na diline ileen ciidamadii dawladaa meeshii soo gaaray oo ay la hadlayaan maadaama albaabkii nagu xiran yahay dhaawac iyo mayd na meesha daadsan yahay welina ay nimankii shaadiinta ahaa qaar ka nool yahay oo dagaalamayaan anaga wxaa nalakasoo saaray derbiga baarka nagu dhaganaa ee Beach Vew baa la dalooliyay oo nalaka daad gureeyay kedib waan kacay mise waaba gabdhi ila socday iyo gabadh sadexaan ciidankii baan isku sheegnay inaan wada soconay kadib wa nabaareen waana na siidaayeen wxaa ii yimid Jeeniqaar Sheekh Omar oo ciidanka watay iyo maxamed c/casiis farabadan kedib gabdhihii baa isoo garab galay kedib jeeni qaar baa isoo gaaray wxn ku iri war anigu waan socon karaaye kagadha dhaawaca ah garab gal
ILLAAHAY mahadiis wlle wxaa la igeeyay isbitaalkii waan ladnahay Lugtii oo berri markii Raajida lasaaro wxy noqon doonto la arki maahee
ALLE dilaa dhinta lkn runtii waa murugo saaxiibkay ina adeerkay waxaan ILLAAHAY iga baryayaa caafimad taama isaga iyo intii la dhaawacan tayba intii dhimatayna ILLAAHAY danbi dhaaf baan uga baryayaa wxy god aakhiro u hoyanayaan maalin jimce ah oo ah maalin barakaysan
Allow ummda Soomaaliyeed u naxariiso
——-waa dhacdo kale oo Xanuun bada——-hoos ka aqris—-
{{Anniga iyo Wiilkii yaraa}} Hal dhacdo oo caawa iigu darnayd.
Magaciisa hadda ma xusuusto. Waxa uu ahaa wiil yar oo aan ku qiyaasay 10 jir. Walaashiis ka wayn ayaa galabta usoo kaxaysay Maqaaxida Liido si ay neecaawda xeebta ugu wada nastaan. Markii ay musiibadu goobta ka dhacday caawa ayuu naftiisa lasoo baxsaday. Waxa uu kasoo cararay oo aanay meelna isku sheegin walaashiis. Isaga oo xowli ku ordaya ayuu xaafadaha degmada Cabdicasiis na la soo dhex qaaday aniga iyo saaxiibkay Ahmed Dahir Omar. Markii aan meel ka yar fog xabbadda iyo qaraxyada wada nimid ayuu wiilka yari xanuun ka dareemay dhanka xabadka. Haddii aan wada eegnayna waxa aan aragnay in qayb hilib ah ay kasoo go’day meel ka korraysa naaska oo uu dhaawac halkaa ka qabo. Waan lasoo cararnay isaga oo dhiig uu ka socdo. Gaari ayaan soo saarnay. Meel dhexe annaga oo marayna ayuu Axmed Dahir u degtay badbaadinta marras kale oo musiibada dhacday ay saamaysay.
Aniga iyo wiilkii yaraa ayaa uu gaarigii nasoo qaaday si aan ugu immaano wiilka hooyadiis oo aan telefoonka kalasii hadalnay oo meel nagu sii sugaysa. Intii aan jidka ku jirnay ayuu mar qura inta uu yariiskii xaggayga usoo jeestay waxa uu i yiri “Adeer, adiga iyo Adeerkii hadda degtay- Ahmed Dahir- waligay ma idin illoobi doono” Illin ayaa indhahayga kasoo hoortay. Xaggiisa ayaan u dhawaaday si aan u dhunkado. Ka dibna inta aan dhabtayda ku soo seexiyay ayaan ugu qalbi qaboojiyay in uu fiicnaan doono.
Mar kale ayuu i yiri “Adeer haddii aan nool ahay iyo haddaan dhintaba, ii ballan qaad in aadan mar kale tegi doonin meeshii caawa”. Afkayga ayaa war-celintii soo qaban waayay dareenka murugada leh ee uu hadalkiisu i geliyay darteed.
Ugu dambayn wiilkii waxaa la geeyay Isbitaal oo lagu daweeyay, waana uu fiican yahay hadda. Walaashiis (Gabadhii markii hore Maqaaxida u kaxaysay) oo iyadana goobta lagu la’aa mar dhaw ayuu Ahmed Dahir oo cidda la xiriiray ii sheegay in lasoo samata bixiyay oo ay nooshahay.
Dhaxalka kaliya ee falalkan gurracan laga reebo waa dil, dhaawac, iyo argagaxin dad aan waxba galabsan oo ay caruur ku jirto.