Maqaal:Shirkii Kismaayo iyo Damaca xil kororsiga Dawladda”

0

Shirkii Kisamaayo   waa markii ugu horaysay ee   hoggaamiyayaasha   Soomaalida   loodaayo go, aan ka gaarista masiirka ummadooda   tan iyo   xiligii ay burburtay Dawladdii dhexe ee Soomaaliya..

Wuxuu ahaa shir   Qaran oo ay   isku yimadeen   hoggaanka dalka   heer Qaran ilaa heer maamul gobolleedyo, waxaana ka sugayney   go. Aan taariikhiya ummadduna ay ku faraxdo..

Abwaankii Soomaaliyeed AUN Abwaan Yamyam, gabay uu tiriyey 1993, shirkii Addis sabab, Tix kamida ayaa waxay ahayd __

Haddaan weynay maan iyo aqli noo maqoorada   ma inaan gobnahaybaan Martitiyo Shisheeyaha   Masawira nirahnaa ,(AUN)

Kismaayo waxaa isku tagay oo ku shiray hoggaamiyayaasha Soomaalida   oo kala ah Madaxwaynaha Jamuuriyada Federalka ee SoomaaliyaXassan Shiikh Maxamuud   iyo Madaxwayneyaasha Dawladdaha Xubnaha ka ah Dawladda Federalka dhammaantood ujeedo kala gaara ayey   wateen   guwo rabay in ay xilka   kororsadaan kuwo rabay in mooqofkoodu socdo iyo kuwo kale oo rabay in Soomaali   jaha wareerka iska jirto..

Shirkaan wuxuu daba socday shirar hore oo lagu kala qabtay Muqdisho iyo Garoowe, Shirkaan waxaa ujeeddadiisu ahayd   in la isla meel dhigo habka doorsho   2016, kadhici doonta Soomaaliya haddiiba ay suura gasho..

Shirka Kismaayo ee` ay isku tageen Hoggaamiyayaasha dhanka Siyaasadda ee Soomaaliya wuxuu ballantiisu ahaayd   inuu furmo 10,01 2016, hayeeshee   wuxuu furmay 14,janaayo wuxuuna dib u dhacay 4maalin” ujeedka shirku uu dib ugu dhacay ayaa ahayd in uu shirku kusoo dhamaado sidan uu hadda ku soo dhamaaday oo ah natiijo la`aan..

 

Ujeedooyin kala duwan

 

Waa maxay sababta   warmurtiyeed   iyo go, aan mideysan looga soo saari waayey Shirkii   Madasha wada tashiga qaran?   su’aashaas   ayaan hoos ku sharrixi doona siday aniga ila tahay..

Koow shirka waxaa la furay markii xubnihii Beesha Caalamka kasocday ay katageen Kismaayo kadib markii uu Madaxwaynaha Soomaaliya kadaahay ballantii shirku ku furmi lahaa..

Labo Inta badan hoggaamiyayaasha hadda talada dalka hayaa   waxay u gogol xaarrayaan inay muddada xilka   kororsi samaystaan   ayaga marmarsiino u yeelaya   adduunkana tusaaya in Shirkii Kisaamyo la isla meel dhigi waayey hannaanka doorasho

Seddex Madaxwayne Xassan Shiikh , Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Raiisul wasaaraha xukumadda   waxay doonayaan inay   ayagu jaheeyaan hannaanka   doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta haddiiba ay dhacdo..

Sidan anigu is leeyahay ujeedka   ugu weyn ee shirka loo fashiliyey ayaa ah in     caalamka la tuso inaan xiligaan doorsho laqaban   karin loona baahan yahay in hay,addaha Dawladda xilka loo kordhiyo si ay shaqada u sii wadaan ilaa la helo doorasho la isku raacsan yahay…

Damaca siyaasiinka hoggaanka dalka haya.

Damac siyaasiinta hoggaanka noo haya waxaan isleeyahay   ILKO ABEESO) hoos bay ka xiriirsan yihiin oo dhammaan   hoggaamiyayaasha Kismaayo isku tagay waxay ku mideysanyihiin in xilka loo wada kordhiyo   waana sababta kaliftay inay   ummadda Soomaaliyeed tusaan in shirkii lagu heshiin waayey..

Waase   dadnimo xumo iyo ceeb   in   siyaasiinta Soomaali aysan wili   fahmin   danta ummaddooda iyo sharafta dalkooda   waa shirkii koobaad ee Siyaasiinta iyo madaxwayne yaasha Soomaalidu   isku yimaden ayaga oo aan beesha caalamku ku   kala dhex jirin   hadana ku dhamaada natiijo la`aan..

Waxaan ku soo koobaya

Soomaalidu waxay ku maahmaahda Rag yari wax kuma yeeshee Rag xumaa ku disha

Hoggaanka dalkeenu waa inuu   ka gudbaa in ajanabi   u kala turjumo in beesha caalamku   maalin kasta   ugu hanjabto   saas yeela     iyo in farta wax loogu fiiqo   Soomaali gab bay ahaan jirtay Go, aankeeda   ayadaa lahaan jirtay waa inay karteen hoggaamiyayaasha Soomaalida sharafta   ummaddooda dalkooda   iyo sharaftooda–baa..

Cabdinuur Faarax Maxamuud

Falanqeeye arrimaha bulshada..