Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo 19-ka Xildhibaan ee beesha Sade ugu jira Baarlamaanka Jubbaland kuwa sheegta ee aan aniga u aqaano 19-ka Bac madoow kadib weerarada ciidamada Kenya ka geysanayaan degmada Ceel Cade ee gobolka Gedo miyaad maqasheen iyagoo ka hadlaya xasuuqa iyo barakicinta ka socota degmada Ceel Cade iyo Nawaaxigeed?
Degmada Ceel Cade ee gobolka Gedo Waxaa ka socda duqeymo iy weeraro kale oo joogta ah oo ay u geysanayaan Ciidamada Kenya, weeraradan ayaa waxaa lagu dilay laguna dhaawacay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Waxaa isweeydiin mudan Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo 19-ka Bac madoow waa teey meelaha la taagnaan jireen ama ka oran jireen anaga waxaanu kasoo jeednaa islamarkaana matalnaa gobolka Gedo maxaa u diiday inay ka hadlaan xasuuqa bareerka ah ee aan loo meel dayin ay geesanayaan ciidamada iyo diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya?
Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo 19-ka Bac Madoow Waxaan filayaa in degmada Ceel Cade ay ugu jirin tirada degmooyinka gobolka Gedo ee ay sheeganayeen inay iyagu matalaan amaba kasoo jeedaan , sababtoo ah marba haddii ay horey uga reebeen ama uga saareen tirada guud ee degmooyinka Jubbaland haddana maxaa diidaya in aysan ku tirin degmo kamid ah degmooyinka gobolka Gedo ee iyagu matalaan ama kasoo jeedaan?
Sanado ka hor ayay ahayd markaan bulshoweynta beesha Sade u sheegnay ama uga dignay in Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo 19-ka Xildhibaan ee beesha Sade ugu jira Baarlamaanka Jubbaland kuwa sheegta ee balse aan aniga u aqaano 19-ka Bac madoow ay la mid yihiin mindi saawir ah, wax ay galaan ama gudaana aysan jirin, matali karin bulsho weynta beesha Sade, waloow markaan sidaa lahayn dad badani caadifad jifo hoosaad ah ay qaaday oo ay lahaayeen beeshayada ayaa la neceb yahay loona dan leeyahay ama horumarka gobolka Gedo ayaa laga soo horjeedaa.
Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo 19-ka Bac madoow ninkii wax ka sugayoow ama dad nool ahaan u tirsanayoow adigaa cirka roob ku og, waxaana daliil u ah taas eeg maalmahan waxa ka socday degmada Ceel Cade miyaad aragtay mid kamid ah oo ka hadlaya ama ku dhaca inuu ka hadlo? jawaabta waa sahal waana maya.
Waano abuuris ayaa ka horeysay, damiirka iyo diiranaanta waa u dhalasho, qofka Allaah Subxaanahu Watacaalaa abuurtay siduu u abuuray wax walbaa oo aad isku daydo kama aad badali kartid mana qarin kartid sida uu yahay saa Allaah Subxaanahu Watacaalaa ayaa sidaa u abuuray’e.
Waxaan u sheegayaa walaalaheena dagan Degmada Ceel Cade Allaah Subxaanahu Watacaalaa idiinma baahin Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo 19-ka Bac madoow sababtoo ah tiisa daryeelaa tukale ku dara, annagaana u nool dadkeena reer Ceel cade oo naf iyo maalba dul dhigeyna.
Isku soo wada duuboo nimaa taqaan yaa tahay lama yiraahdo balse waxaa xaqiiqa ah in bulsho weynta beesha Sade ka dharagsan yihiin waxbadan ka qaateen qoraaladeeni wacyigalinta ahaa ee sanado ka hor ee ku saabsanaa Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo 19-ka Bac madoow waxa ay yihiin iyo waxa ay galaanba, balse waxaan usoo qaadanay qoraalkan maanta inaan mar walbaa xasuusino kuwa tirada yar ee durbaanka jifo hoosaadka ah heerka aadka u liita ee qof nooli gaaro u tuma Fartaag iyo Bac madow inay xasuusnaadaan shaqada ay hayaan inaysan dhaafsiisneyn maah maahdi soomaaliyeed ee ahayd (Nin Walbaa Xaarkiisu Xaayoow Dhahaa).