Faah faahino ka soo baxaya Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Maqaayad caan ah oo ku taalla Muqdisho

0

Weerar ku billowday Qarax Ismiidaamin ah ayaa ka dhacay goor dhawayd Maqaayad ku taala Xeebta Liido. iyadoona Qaraxa kadib la rumaysan yahay in Rag hubaysan ay Gudaha u Galeen Maqaayadaasi oo ka mida Meelaha ay Dadku u badan yihiin.

Wararka ayaa sheegaya  in Koox Hubaysan ay ka dagaalamayaan Gudaha Maqaayadaasi, kuwaasoo aan la cadayn illaa iyo hadda Tiradooda Rasmiga ah, Waxaana gudaha laga maqlayaa Rasaas xooggan oo u dhaxaysa Kooxdaasi Weerarka soo qaaday iyo Ciidanka Nabad sugida Soomaaliya oo gurmad ku tagay Goobta, iyadoona illaa iyo hadda ay Ciidanka Nabad sugida Soomaaliya ku mashquulsan yihiin sidii ay Kooxdaasi uga samatabixin lahaayeen Dadka Shacabka ah ee ku jiray Maqaayadaasi oo ay doonayaan inay laayaan.

Kooxaha Weerarka soo qaaday ayaa ilaa hada ku jira gudaha Maqaayad ku taala Xeebta Liido, waxayna halkaasi kula dagaalamayaan Ciidamada Nabad sugida Soomaaliya.

Weerarka Maqaayaddan ayaa qayb ka ah Weeraro Al-Shabaab ay ku qaadaan Goobaha ay Bulshadda, waxaana Maqaayadaan ay ka mid tahay goobaha ugu mashquulka badan ee Muqdisho ku yaalla.