Xildhibaano, siyaasin iyo aqoonyahano ayaa shaki geliyay inuu si wanaagsan oo cadaalad u qabsoomi doono shirka ka socda magaalada Jowhar kaas oo maamul loogu samaynaayo gobolada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe.
Hadaba xildhibaan C/laahi Shaacir oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya ayaa sheegay inuu ka xun yahay muranka uu ku bilowday shirkaan maadaama qeybihiisa hore la taagan hadii loo soo gudbano qeybaha kale wuxuu sheegay in caqabado badan lala kulmi doono.