Haron Komen,oo ka mid ah Guddiga Qaxootiga,ayaa sheegay in Wafdi ka socda Hay’adaha Qaxootiga Kenya ay u ambabaxeen magaalada Brussels Bishii October sanadkii la soo dhaafay si ay u soo hubiyaan helitaanka lacag gaareysa Sh10.74 billion,oo la doonayo in dib loogu soo celiyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan Xeryaha Dhadhaab ee Kenya.
Dowlada Kenya hada waxay diyaarineysa in dib dalka ugu soo celiso 50,000-Qaxooti sanadkaan gudihiisa.
” 20% waxay ku hareysaa dalka si loogu taageeri dadka iyagu adeegyada muhiimka u baahan iyo dib u habeynta deegaanka,” ayuu yiri Haron Komen.
Mr Komen ayaa xaqiijiyay in ku dhawaad 7,025 Qaxooti ah guryahooda ku noqdeen,kuwaasi oo mudo ku dhaqnaa Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab.
Wuxuu sheegay in weerarkii Jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday xero Ciidanka Kenya ay ku lahaayeen Soomaaliya gaar ahaan Deegaanka Ceel-cade ee Gobolka Gedo uusan hakin doonin Qorshaha dib u soo celinta Qaxootiga.
Ka dib weerarkii Shabaabku ay ku qaadeen Jaamacada Gaarisa bishii April ee la soo dhaafay,Kenya waxay sheegtay Kooxo ay ugu yeertay argagixiso ganbaad ka dhiganayaan Xeryaha Qaxootiga.
Waxayna Kenya go’aan ku gaartay iney soo celineyso tiro badan oo Qaxooti ah,si loo xaqiijiyo amaanka guud ahaan Wadankaasi.
Wasiirka arimaha dibada Kenya Haweeneyda lagu magacaabo Aamin Mohamed iyo Wasiirka amniga gudaha Joseph Nkaissery ayaa si wada jir ah uga qeyb galay shirka ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgiumka,kaasi oo ujeedkiisu ahaa sidii dhaqaalo loogu Heli lahaa dib u soo celinta Qaxootiga Dha-dhaab ku sugan.
Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerar lagu dilay askar Kenyan ah oo ka dhacay Xero ku taalo deegaanka Ceel-cade ee Gobolka Gedo,waxayna Kenya weerarkaan ku tilmaantay inuusan waxba u dhimi doonin joogitaanka Ciidankeeda Soomaaliya.