TOP DHAGEYSO : Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya oo Dowlada ku eedeeyay iney ka gaabisay iney dalka ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah.

0

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi-Wali Sheikh Axned Max’ed oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ka gaabisay sidii dalka ay uga dhaci lahaayeen isbadal dhinaca siyaasada ah iyo doorasho Qof iyo Codkiisa ah.

Sidoo kale,C/wali Sheikh Axmed ayaa sheegay in asiga uu aaminsanaa in dalka ay ka dhici karto doorasho ku saleysan cod iyo Qof,Balse uu sheegay in Dowlada Federaalka ee hada jirta dhankeeda gaabisa badan uu ka jiro.

Wuxuu arintaan sabab uga dhigay is qab-qabsiga iyo khilaafka siyaasadeed ee hareeyay madaxda Dowlada Soomaaliya,sida uu hadalka u dhigay Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya.

C/wali Sheikh Axmed Max’ed oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in dalka ay ka dhici karto doorasho cod iyo Qofkiisa,Balse wuxuu tilmaamay in Dowlada Soomaaliya xil weyn aysan iska saarin arintaasi.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Sheikh Axmed oo xafiiska kaga tagay ka dib khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo madaxweynaha haatan talada dalka haya ayaa hada ku sugan magaalada Boosaaso,isagoo halkaasi ka wada Barnaamijyo uu kula kulmayo Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Puntland,islamarkaasina kala hadlay xaalada Siyaasada dalka iyo sida wax looga badali karo.