Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in Shirkii la filayay in uu maanta ka furmo magaaladaasi uu mar kale dib u dhacay.
Shirkan oo ah Jiheynta Siyaasadda Soomaaliya ayaa waxaa la filyay in uu manata ka furmo halkaasi,Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sh.Max’uud iyo Wafddi uu hoggaaminayo ayaa Saaka gaaray kismaayo si uu u furo Shirka.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubba Cabdinuur Cali Aadan ayaa sheegay kuna dhawaaqay in uu shirka dib u dhacay,mana sheegin sabab gaar ah oo uu shirka dib ugu dhacay.
Waa markii 4aad oo uu dib u dhacayO Shirkan,waxaana markii ugu horreysay ahayd 10kii Bishan oo loo ballansanaa in uu furmo.
Wixii warar ah ee soo baxa kala soco Shabakada Wararka Allgalgaduud.om..