Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Garoonka Diyaaradaha Magaalada ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Mas.’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland,waxaana loo galbiyay Halka lagu qabanayo Shirka Madasha Qaran ee Kismaayo.
Sidoo kale waxaa la filayaa inuu Kismaayo gaaro Saacadaha soo socda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Shirka Madasha Qaran furi doona.
Kismaayo ayaa waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali iyo Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xubno ka mid ah Beesha Caalamka.
Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana Amniga sugaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya,kuwa AMISOM iyo kuwa Maamulka Jubbaland.