DEG DEG:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe

0

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd si rasmi ah Magaalada Jowhar ugu furay shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Xaflada Furitaanka Shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland, Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, ergooyin ka kala socday gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furitaanka Shirka ka hadlay ayaa ku booriyay ergooyinka shirka inay dedejiyaan maamulka labada gobol oo uu sheegay inay uga baxayaan baahiyaha nidaam ee labada gobol u qabaan hab maamulka federaaliga ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisu ku garab taagan tahay ergooyinka sidii loo dhameystiri lahaa dhismaha maamulka labada gobol oo uu sheegay inay soo mareen marxalado kala duwan.

“Dowladda Federaalka waxay gacan ka geysaneysaa sidii loo dhameystiri lahaa maamulka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga mahad celiyay qeybaha kala duwan ee bulshada labada gobol sida ay uga go’an tahay inay sameystaan maamul ay ku mideysan yihiin.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Shabakada Wararka Allgalgaduud.com….