UK oo tababartay Ciidamo u dhashay Uganda oo Soomaaliya imaanaya

0

Saraakiil ka socota dowlada Ingiriiska ayaa tababar siiyay askar u dhalatay dalka Uganda kuwaasi oo loosoo dirayo dalka Soomaaliya si loogu badalo ciidamo Uganda ka joogo Soomaaliya oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Saraakiisha waxaa kamid ah Col Robert oo ku noolaa xaafada Colsterworth ee dalka Uk, waxaana uu kamid ahaa saraakiil cadaan ah oo tababar siinayay ciidamada dalka Uganda.

Kooxda uu kamid ahaa oo ka kooban 28 sarkaal ayaa waxay tababar siinayeen 1800 oo askari oo kamid ah ciidaada difaaca dalka Uganda, kuwaasi oo la qorsheynayo in Soomaaliya loosoo diro.

Korneyl Robert, ayaa tababarka uu bixiyay ku tilmaamay  inuu ahaa mid cajiib ah, wuxuna sheegay in ciidamada la siinayay tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda xaga ciidanka iyo la dhaqanka bulshada.

Koox ka mid aheyd ciidamada u dhashay dalka UK ayaa waxaa la geeyay xerada tababarka ciidamada Uganda ee Singo si halkaasi ay tababar kala kaga bixiyaan muddo labo todobaad ah.

Sidoo kale saraakiil ciidan oo ka socota dalalka America, France iyo Denmark ayaa qeyb ka ah ciidamada tababarka siinaya ciidamadda dowlada Uganda, iyaga la siinayo tababarada dhanka sirdoonka iyo iska difaacada kooxda cadowga ku ah.

Sidoo kale waxaa la siiyay ciidamada Uganda ee la qorsheynayo in Soomaaliya loosoo diro tababar ku aadan sida la isaga difaaco marka ciidamada ay la kulmaan weeraro gaadmo ah.

Waxaan la sheegay in ciidamada ay tababarkaasi adeegsan doonaan marka la keeno dalka Soomaaliya si ay qeyb kaga noqdaan howlgalka AMISOM ee ka socda dalka Soomaaliya.