Maamulka demada Badhaadhe ee gobalka Jubada Hoose ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in deegaankaasi ay la wareegeen Xarakada Al-shabaab, kadib markii ururkaasi uu baraha internetka ku baahiyay in Badhaadhe ay qabsadeen.
Gudoomiyaha Badhaadhe Faarax Xaaji ayaa sheegay in degmadaasi ay iyaga ku sugan yihiin, islamarkaana aysan waxba ka jirin in degmadaasi ay faarujiyeen.
“Waa been abuur warkaasi, annaga ayaa joogna, waxaa deegaanka ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo aad u xoog badan marka ma jirto cid la wareegi karto” ayuu yiri gudoomiyaha.
Sidoo kale gudoomiyaha degmada Badhaadhe ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhawaan ku wajahan yihiin deegaanno ku dhaw degmada Badhaadhe ee gobalka Jubada Hoose halkaasi oo ay maamulaan Xarakada Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa maalin kahor shaacisay in dagaal ay ku qabsadeen degmada Badhaadhe ee gobalka Jubada Hoose halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.