Jaamacadda Garissa oo maanta dib loo furay

0

Waxaa sagaal bilood ka dib dib loo furay shaqada Jaamacada Garissa oo maanta ardaydii ay ku noqdeen

Sida ay dowlada Kenya sheegtay amaanka dhismaha jaamacada ayaa aad loo adkeeyey

Ardayda jaamacada ayaa lagu wadaa inay duruustoodii dib u bilaabaan

Waxaa jira arday badan oo meelo kale u badashay waxbarashadoodii iyo qaar aanba soo noqon

Dad ka badan 140 qof ayaa ku dhintay weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen dhismaha jaamacada

Inta badan dadka weerarkaasi ku dhintay ayaa ahaa arday jaamacada wax ka baran jirtay

Alshabaab waxay mudo sanado ahba weeraro ku hayso deegaano dalka Kenya ka tirsan