Allaha u naxariistee, waxaa maanta magaalada Shaariqa ee Imaaraadka Carabta ku geeriyooday abwaanka Soomaaliyeed ee caanka ahaa Cali Sugulle Cigaal (Dun Carbeed).
Allaha u naxariistee abwaan Cali Sugulle ayaa ku xanuunsanayay in muddo ah waddanka isutagga Imaaraadka Carabta.
Cali Sugulle, ayaa la qorsheynayaa in Arbacada loo qaado Somaliland, si halkaasi loogu aaso sida uu VOA u sheegay Suldaan Axmed Maldiini oo ka mid ahaa raggii isbitaalka ku hayay abwaanka geeriyooday.
Suldaan Axmed Maldiini oo Ay is yaqaaneen Ayaa ka waramaya Geerida Abwaan Cali Sugulle Dun Carbeed.
DHAGEYSO :
Abwaan Cali Sugulle ayaa sugaantiisi ay ahayd mid qota dheer, sida uu VOA-da ugu warramay Bashiir Sheekh Cumar Good oo ah aqoonyahan u kuur gala suugaanta Soomaaliyeed, qoraalna ka sameeyay sugaanta Cali Sugulle.
HOOS KA DHAGEYSO :