Dhambaal Tacsiyeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, waxaa saacado ka hor maanta oo ay taariikhdu tahay 10-01-2016 ku geeriyooday magaalada Muqdisho Allaha u Naxariistee Marxuum Aden Nuur Qiro (Boordage).
Dhamaan Bahweynta Allgalgaduud Media, Maamulka iyo Shaqaalaha, Anaga oo ka tiiraanyonayna geeridan naxdinta leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum Aaden Nuur Qiro (Boordage), waxaan dhambaal tacsiyeed oo tiiraanyo leh u direynaa dhamaan Reer Nuur Qiro, gaar ahaana Reer Aden Nuur Qiro (Boordage) iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum Aaden Nuur Qiro (Boordage), waxaana Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu dhamaanteen samir iyo iimaan naga wada siiyo Allaha u Naxariistee Marxuum Aaden Nuur Qiro (Boordage), waxaa sidoo kale aan Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu Marxuum Aaden Nuur Qiro (Boordage) janadi fardowza ahayd ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin