DHAGEYSO+VIDEO : Gudoomiayah Gobolka Nugaal Oo ka warbixiyay Socdaalkiisa Kismaayo.

0

Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Nugaal ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed  ee Puntland Mudane Cumar C/laahi Max’ed (Faraweeyne) ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, ayadoo garoonka diyaaradaha magaalada ay si diiran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan Jubaland.

Gudoomiyaha ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay, dhigiisa gobolka J/hoose Mudane C/rashiid C/laahi Gooni, gudoomiyaha degmada Kismaayo, Mudane Ibraahim Max’ed Yuusuf (Timajilic), odoyaal dhaqameed iyo masuuliyiin kale.

Dadweeyne fara badan oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay gudoomiyaha iyo xubnihii ku wehlinayay safarkiisa.

Gudoomiyaha gobolka J/hoose oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin imaatinka gudoomiyaha gobolka Nugaal ee Kismaayo, isagoo sheegay in gudoomiyaha ay ka wada hadli doonaan arimo badan oo khuseeya labada gobol iyo sidii loo mideyn lahaa shacabka labada gobol.

Gudoomiyaha Nugaal Cumar Faraweeyne oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedooyinka imaatinkiisa Kismaayo ay kamid yihiin sidii uu uga qeybgali lahaa shirka madasha wadatashiga qaran ee doorashooyinka dalka, iyo weliba qorshe uu sheegay in ay doonayaan in lagu mideeyo gobollada J/hoose iyo Nugaal.

“Waxaan dooneeynaa in aan mideeyno gobollada Nugaal iyo J/hoose oo shacabka labada dhinac is dhexgalaan oo ay iskaashadaan,” ayuu gudoomiyaha hadalkiisii raaciyay.

Wafdigan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka socda dowlad goboleedyada dalka ka jira oo Kismaayo u yimaada ka qeybgalka shirka, ayadoo maalinta berito ah ay ku beegantahay xilligii loo asteeyay in uu furmo shirka madash

DHAGEYSO CODKA :

Daawo Muuqaalka :