Ciidamada Yahuuda ayaa toogasho ku dilay 4 ruux Falastiiniyiin rayid ah magaalada Daanta galbeed dhulka ay Yahuudu xooga ku haysato.
Wararku waxay sheegayaan in ciidamadu ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa xaafadd la yiraahdo Guush Atzion halkaasoo ay ku geeriyoodeen 3 ruux halka ruux kale ay ku dileen magaalada Hebron la yiraahdo.
War ay ciidamada Yahuuda soo saareen waxa ay ku sheegeen in 4,ta ruux ee la dilay ay midiyo ku hubeysnaayeen oo ay isku dayeen inay aska boolis ah dilaan.
Warbaahinta Falastiin waxaa ay sheegeen in dadka ay ciidamada Israel dileen ay shacab iska adeeganaya ahaayeen.