TOP DHAGEYSO: Dagaal khasaaro badan geystay oo ka dhacay deegaanka Goob-gaduud

0

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal xoogan maanta uu deegaanka Goof-gaduud ku dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka danbeeyay markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada oo ku sugnaa deegaanka Goof-gadood,waxaana dagaalka ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inkastoo si dhab ah loo hubin qasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa hadana warar Baydhabo aan ka heleyno ayaa ku waramaya in dhaawacyo la gaarsiiyo goobo caafimaad oo magaaladaasi ku yaala.

Dadka deegaanka dagaalka ka dhacay ayaa inoo sheegay in Labada ee dagaalamay isku adeegsadeen Hubka nuuyadiisa kala duwan,waxaana mararka qaar la maqayay jug culus oo madaafiic u muuqday.

Ururka Al-shabaab ayaa inta badan weerar ku qaada fariisimo ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ku leeyihiin deegaanada iyo degmooyinka dalka,waxaana weeraradaasi u badan yihiin kuwo ku dhifoo ka dhaqaaq ah.

 

 

Hoos Ka Dhageyso