DHAGEYSO:- Maamulka Gobolka Sh/Dhexe oo ka warbixiyay sida ay ugu diyaar garoobeen marti gelinta Shirka

0

Maamulka Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegay in ay aad ugu diyaar garoobeen marti gelinta Shirka la doonayo in Maamul loogu sameeyo gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Maamulka Gobolka Sh/Dhexe ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaariyeen howlalkii lagu shiri lahaa iyo meeshi ay degi lahaayen Ergooyinka ka qeyb galaya Shirka Maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

C/kariin Cumar Macalin “ Aaloos” oo ah Agaasimaha Warbaahinta Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegay in ay sugayaan oo keliya in shirka la furo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay wax welibo diyaariyen isla markaana ay u diyaar garoobeen Marti gelinta Shirka.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud ayaa lagu wadaa Maalmaha soo socda in uu daah furo Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Magaalada Jowhar oo ah magaalada marti gelineysa Shirka ayaa waxa aiminka ku qul qulaya ergooyinka ka qeyb galaya Shirka iyo odayaasha beelaha dega gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Hoos ka Dhageyso Codka:-