Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa saaka isku horfadhiyo xaafada Zoona Key ee degmada Hodon, halkaasi oo maamahaan ay ka socotay burburin lagu sameynayay dhismooyin halkaasi ku yaala.
Xiisada ayaa ka dambeysay markii ciidamo kale oo degen agagaarka Zoona Key ay diideen in ciidamada kale ay burburin ka sameeyaan dhismayaasha goobta ku yaala, waxaana taagan xiisad u dhaxeyso labada ciidan.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada ay dhufeyso kala galeen waxaana jirto baqdin laga qabo in ciidamada ku dagaalamaan xaafada Zona Key ee degmada Hodon ee gobolka Banaadir.
Ganacsiga Xaafada ayaa lasoo sheegayaa Sidoo kale iney Saameysay Xiisadan kajirta Qeybo Kamid ah Dagmada Hodan ee Gobalka Banaadir.
Inkastoo wali aan lakala dhexgalin Ciidamadan Hadana waxaa jirto isxilqaan ay sameynayaan qaar kamid ah odayaasha ku nool halka la isku horfadhiyo.
Wixii soo kordha la soco…