DHAGEYSO WAREYSI:- Afhayeenka Maamulka Gobolka Sh/Hoose oo iscasilay

0

Afhayeenka Maamulka Gobolka Sh/Hoose Maxamed Xuseen Shiino oo wareysi gaar ah siiyay Shabakada Wararka Allgalgaduud.com ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilkii Afhayeenimo ee Maamulka Gobolka Sh/Hoose.

waxa uu sheegay in uu ka shaqeyn waayay Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan oo sheegay in uusan u madax baneyn shaqadiisa Afhayeenimo.

waxa uu sidoo kale sheegay in Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Sh/Hoose aysan u madax banaaneyn shaqadooda isla markaana uu cadaadis fara badan ku hayo Madaxweyne Shariif Xasan.

Waxa uu Allgalgaduud.com sidoo kale ugu warbixiyay waxyaabo badan oo sabab u ahaa inuu is casilo.

Hoos ka Dhageyso wareysiga Afhayeenka:-