Madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaasi oo Shalay ka hadlayay Shir wadatashi ahaa uu ka furay Magaalada Gaalkacyo e Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxuu sheegay in Maamulkiisa uu yahay mid kaalin weyn ka soo qaatay sidii dib loogu soo nooleyn la haa Dowladdnimada Soomaaliya.
Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in Maamulka Puntland uu ahaa Maamulkii ugu horeeyay ee Calanka Soomaaliya dib uga taagay Xarunta Villa Soomaaliye ee Magaalada Muqdisho.
Waxuu Mr. Cabdiwali Maxamed sheegay in Puntland dhaqaalo badan ay uga baxday dib u soo nooleynta Dowladdanimada Soomaaliya taasi oo keentay sida u hadalka u dhigay in Puntland ay ku weyso Dad iyo Dhul badan oo horey ay u heystay.
Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu qeexay in loo baahan yahay in isbadal lagu sameeyo Maamulka Puntland islamarkaana isbadal uu kala yimaado dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.
Madaxweyne Cabdiwali Maxamed ayaa ugu baaqday Maamulada darriska dhow la ah Maamulka Puntland in ay ka wada shaqeeyeen islamarkaana kuwada noolaadaan Nabad iyo isku dhuubni dhexmara.
Puntland ayaa ka muuqda in aysan ku faraxsaneyn Maamulka KMG ah ee Galmudug kaasi oo haatan Xarun u ah Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.