WARBIXIN+SAWIRO : Mashaariic Dowladda Jarmalka Ka Hirgalisay Bosaaso Oo Xariga Laga Jaray.

0

Munaasabaddii xariga looga jarayey dhismahan oo ka dhacday gudaha gaalshiraha ayaa waxaa ka soo qeyb galay wafdi caalami ah oo uu hogaaminayey

Safiir ku xigeenka Jarmalka ee Soomaaliya Mr. Chistain Resch, maamulka gobalka Bari, kan degmada Bosaso, xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntalnd, taliska guud ee ciidanka boliiska iyo kan qeybta gobalka Bari.

Waxaa markii ugu horeysay saldhiga weyn ee magaalada Bosaso laga dhisay isla markaana xariga laga jaray xarunta kaydka hubka, Xaruntan waxaa bixiyey dhaqaalaha ku baxay safaaradda dalka Jarmalka ee Soomaaliya, iyadoo ay dhistay hay’adda MAG.

Mr. Chistain Resch oo ugu horeyn ka hadlay xafladda ayaa sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay mashruucyo badan oo dowladda Jarmalka ka fulisay Soomaaliya, isla markaana Soomaaliya iyo Jarmalka uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah.

Waanna Mashruuc Weyn Oo markii Ugu Horeysay ay Dowladda Jarmalka ka Hirgaliso magaaladda Boosaso ee xarunta Gobolka Bari.

DAAWO SAWIRADA:

IMG_1077IMG_1080IMG_1081IMG_1087IMG_1089IMG_1101IMG_1103IMG_1105IMG_1106IMG_1108IMG_1111IMG_1114IMG_1115IMG_1116IMG_1117IMG_1131IMG_1135