Wararka naga soo gaaraya magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Saaka Dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab uu ka dhacay Degaan lagu Magacaabo Qodaxey oo hoostaga Degmada Baardheere ee xarun Gobolleedka Gedo.
Dagaalka oo mudo Saacado ah qaatay ayaa geeystay Dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii Dagalamay.
Goobjoogeyaal ayaa Xaqiijiyay in ila 5 Ruux ay dagaalka ka dhacay Qodaxey ay ku dhinteen Dhaawacuna uu intaa ka badan yahay.
Saraakiil u hadlay Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in ay Dileen Saddex kamid ah Al-shabaab Dagaalkana ay ku jabiyeen,balse Al-shabaab wali kama hadlin Dagaalka.