Wararka naga soo gaaraya iminka magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay ka taagan tahay magacaabista Gudoomiye loo sameeyo Degmada Baardheere.
Dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyey in khilaafkaan yahay mid hadda lagu kala jabsan yahay magacaabista gudoomiyaha Cusub ee Degmada Baardheere.
Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe oo kaa shanaya Saraakiisha Ciidamada Dowladda Itoobiya ayaa waxa uu soo magacaabay Gudoomiyaha Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo taasi oo hadda keentay in dadka deegaanka iyo Horjoogeyaasha Raaskambooni ay isku mariwaayaan lagana cabsi qabo inay sababaan dagaalo ka qarxa magaalada Baardheere.
Dhinaca kale Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa si bareer a oo aan qarsoodi ahayn waxay u garab siinayaan Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni, taas oo sababi karta in dagaal fool ka fool a lala galo Saraakiisha iyo Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo.
Isku soo wada duuboo ismari waagan ka taagan magaalada Baardheere iyo degmooyinka kale ee gobolka Gedo ayaa waxaan ka hadlin amaba aan ka hadli karin Madaxda dowladda Soomaaliya oo sida la xaqiijiyay aan ka hor imaan karin damaaciga waalan ee Saraakiisha Ciidamada Dowladda Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo, oo aan marnaba ka amar qaadan Dowladda Soomaaliya Iyo Taliska Guud ee ciidamada AMISOM balse ka amar qaata oo kaliya dowladda dhexe ee Itoobiya.