TOP DHAGEYSO WAREYSI : Tirada ku dhimatay weerarkii Kismaayo oo korortay iyo dhaawacyo Muqdisho loo qaaday.

0

Tirada ku dhimatay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay xarunta jaamacadda Kismaayo ayaa korortay, iyadoo dhaawacyada dadkii liitay ee weerarkaas ka dhashay loo qaaday magaalada Muqdisho.

Illaa 25 ruux ayaa ku dhimatay weerarkaas, halka sodomeeyo kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaas, waxaana la sheegay in ciidamada ay toogteen ruux looga shakiyay inuu ku lug lahaa weerarkaas.

Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in qaraxaas ay ku dileen in ka badan 100 askari oo ay ku jireen afar ka tirsan Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM oo tababarayaal ahaa.

Weerarkan ismiidaaminta ayaa dhacay xilli ciidamada isku dhafka ah ee ka tirsan xooga dalka ay safaf ku jireen, una diyaar garoobayeen tababarkooda maalinlaha ah.

HOOS KA DHAGEYSO :